Aqalka sare ee dalka oo kulamo ku qaban doono Turkana

0
229

Aqalka sare ee dalka ayaa toddobaadkan billaabaya kulamo kala duwan oo uu ku qabanaya ismaamulka Turkana.
Fadhiyadan ayaa noqon doono kuwii ugu horreeyay ee ka qabsoomo meel ka baxsan caasimadda wadanka ee Nairobi tan iyo markii uu dillaacay cudurkii COVID-19.
Senatarrada ayaa Talaadada ka doodi doono mooshin uu gudbiyay hoggaamiyaha aqlabiyadda ee aqalka sare kaasoo ku saabsan qaraar ka soo baxay guddiga qaabilsan howlaha senate-ka oo soo jeediyay in kal-fadhiga ugu soo horreeya in lagu qabto Turkana.
Guddigan ayaa sheegay in kulamadan looga gol-leeyahay in la isku xiro labada heer ee dowladda sidoo kalena la xoojiyo wada shaqeynta ka dhexeysa aqalka sare iyo ismaamullada.
Sanadihii 2018-kii iyo 2019-kii ayaa fadhiyadan lagu kala qabtay ismaamullada Uasin Gishu iyo Kitui .