Booliiska Kitui oo qabtay baabuur siday waxyaabaha qarxa

0
1165

Ciidamada booliiska ee ismaamulka Kitui ayaa qabtay darawalka baabuur siday waxyaabaha qarxa.
Gaariga ayaa ka ambabaxay magaalada Nairobi ka hor inta aan Kitui lagu qaban.
Saraakiisha booliiska ayaa sheegay inay xog ka heleen dadweynaha ka dibna ay baareen gaarigaasi oo laga dhex helay waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo.
Darawalka ayaa hadda lagu hayaa saldhigga booliiska ee Kwa-vonza oo ka tirsan deegaanka Yatta.
Baabuurka ay ciidamadu qabteen ayaa la geeyay saldhigga booliiska ee Kanyonyo waxaana lagu wadaa in khuburrada ku takhasusay burburinta bambooyinka ay baaritaano dheeraad ah ku sameeyaan qalabka la helay oo laga dhigay alaab la geynayay Kitui.