Maxkamadda sare ee dalka ayaa guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee (EACC) siisay oggolaansho uu ku xannibaya akoonnada bangiyeed ee barasaabkii hore ee ismaamulka Kiambu ,Ferdinand Waititu iyo qoyskiisa.
Tani ayaa timid ka dib markii lala xiriiriyay fadeexad lacageed oo dhan 588 milyan oo shilin.
EACC ayaa qoraal ku sheegtay in Waititu iyo xubnaha kale ee qoyskiisa aynan caddeyn sida ay ku heleen ku dhawaad 2 bilyan oo shilin.