Saraakiisha booliiska ee ismaamulka Embu oo kaashanaya ciidamada waaxda adeegga duurjoogta ee KWS ayaa gacanta ku dhigay labo eedeysanayaal.
Shakhsiyaadkan ayaa lagu helay saddex xabbo oo foolasha maroodiga oo 53 kiilogaraam ah.
Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa bayaan ku sheegay in qiimaha lacageed ee foolasha ay tahay 10.6 milyan oo shilin.
Eedeysanayaasha ayaa hadda ku jira saldhigga booliiska waxayna marayaan baaritaano dheeraad ah ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.