DHAGEYSO:4 qof oo ku dhimatay dab ka kacay guri ku yaalla Kisii

0
344

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada afar qof oo hal qoys ka wada tirsan ka dib markii uu xalay dab qabsaday gurigooda oo ku yaalla deegaanka Bonchari ee ismaamulka Kisii.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta keentay dabkaasi.
Qaar ka mid ah dadka deegaankaasi ayaa warbaahinta la wadaagay dareenkooda arrinkan ku aaddan.

Waxaa sidoo kale dhacdadan xaqiijiyay taliyaha saldhigga booliiska ee Koonfurta Kisii, Charles Machinji.