Ra’yi uruurin cusub oo ay sameysay shirkadda cilmi baarista ee TIFA ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 48 ee kenyaanka ay taageerayaan geeddisocodka wada hadallada siyaasadeed ee u dhexeya isbeheysiga mucaaradka ee Azimio iyo maamulka talada wadanka haya ee Kenya Kwanza.
Shirkadda ayaa intaasi ku dartay in boqolkiiba 48 ee shacabka ay rajeynayaan in wada xaajoodyada lagu guulaysan doono,
TIFA ayaa warbixinteeda ku sheegtay in mid ka mid ah shanti qof ee ay wareysteen uu ka soo horjeedo wada hadallada siyaasadeed tani oo u dhiganta boqolkiiba 19.
Darasaadkan ayaa waxaa ka qayb qaatay 1,530 qof .
Boqolkiiba 21 ee dadkan ayaa sheegay inay aaminsan yihiin in wada hadallada laba geesoodka ah aan lagu guulaysan doonin.
Dhanka kale boqolkiiba 46 ee dadka ra’yi uruurintan ka qayb qaatay ayaa sheegay in geeddisocodkan uu isbeheysiga Kenya Kwanza ka caawin doono inuu fuliyo waxyaabihii uu dadweynaha u ballan qaaday ka hor doorashadii guud ee sanadkii hore.
Boqolkiiba 38 ayaa wada hadallada ku tilmaamay kuwo aan faa’iido u lahayn dalka halka 14 boqolkiiba ay sheegeen inaynan taasi hubin.
Warbixinta shirkadda TIFA waxaa ku cad in boqolkiiba 45 ee kenyaanka ay taageerayaan in la soo dhiso xafiiska rasmiga ee hoggaamiyaha mucaaradka dalka.
Waxaa arrinkan ka soo horjeedo boqolkiiba 21 ee dadka ay shirkaddu ku wareysatay ra’yi uruurinta.
Dhanka kale boqolkiiba 31 ee kenyaanka ayaa ka soo horjeeda jiritaanka xafiiska madaxa wasiirrada ee dalka Musalia Mudavadi in kastoo ay tani taageerayaan boqolkiiba 27.
Sidoo kale boqolkiiba 32, waxay Jeremiah Kioni u aqoosan yihiin inuu yahay Xoghayaha Guud ee rasmiga ah ee xisbiga Jubilee halka boqolkiiba 21 ay Kanini Kega u aqoonsan yihiin xoghayaha guud ee xisbiga.