Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa isugu yeeray xubnaha golaha qaran ee maamulo xisbiga talada wadanka haya ee UDA ee (NGC).
Ujeeddada kulankan ayaa ah in la qorsheeyo doorashooyinka xisbiga ee soo socdo.
Xoghayaha Guud ee UDA, Cleophas Malala ayaa bayaan ku shaaciyay in shirka NGC uu qabsoomi doono 29-ka bishan Sagalaad.
Kulanka ayaa ka dhici doono xarunta Bomas ee magaalada Nairobi abaare 9-ka subaxnimo.
Malala ayaa intaasi ku daray in kulanka sidoo kale diiradda lagu saari doono qorshayaasha mustaqbalka ee xisbiga.
Waxaa ka qayb geli doono hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wah, dhigiisa aqalka sare Aaron Cheruiyot,madaxa UDA u qaabilsan dhanka abaabulka ee baarlamaanka Silvanus Osoro iyo dhigiisa senate-ka Bonny Khalwale.
Waxaa sidoo kale shirka ka qayb geli doono barasaabyada UDA, senatarro, xildhibaannada baarlamaanka iyo wakiillada deegaannada hoose ee ismaamullada.
Xoghayaha Guud ee UDA Cleophas Malala ayaa bayaanka ku xusay in dhammaan madaxda la soo doortay iyo kuwa la soo magacaabay ee xisbiga laga doonaya inay si rasmi ah u xaqiijiyaan xubinnimadooda.