Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Guddiga wada xaajoodyada siyaasadeed oo kenyaanka u qabtay ilaa Jimcaha

Guddiga wada xaajoodyada siyaasadeed oo kenyaanka u qabtay ilaa Jimcaha

Guddiga matalaya isbeheysiyada mucaaradka iyo muxaafidka ee Azimio iyo Kenya Kwanza ee ku howlan wada hadallada siyaasadeed ayaa shaaciyay inuu kenyaanka siinaya muddo dheeraad oo ku eg Jimcada soo socoto si ay u soo gudbiyaan aragtidooda.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka ahna madaxa guddiga wada hadallada ee garabka dowladda ,Kimani Ichung’wa ayaa arrinkan shaaca ka qaaday xilli uu warbaahinta kula hadlay xarunta Bomas ee magaalada Nairobi.
Dadweynaha ayaa loogu baaqay inay fursaddan ka faa’iidaystaan ka hor inta aynan wada xaajoodyada si rasmi ah u billaaban.
Ichung’wa iyo Kalonzo Musyoka oo hoggaaminaya garabka mucaaradka ee Azimio ayaa xusay inay saaka isku afgarteen in ilaa 22-ka bishan la qabto soo jeedinnada shacabka ee ku aaddan waxyaabaha ay doonayaan in wada hadallada lagu biiriyo.
Ichung’wa ayaa intaasi ku daray in xubnaha guddiga ay wixii Jimcada ka dambeeya la kulmi doonaan shakhsiyaadka afkaartooda soo gudbiyay.
Waxaa uu tilmaamay in cid kasta waqti ku filan loo siin doono inay guddiga si faahfaahsan ula wadaagto soo jeedinteeda.
Muddada uu qofku haysto ayaa ah ugu badnaan 20 daqiiqo.                                          10-kii bishan ayay ahayd markii guddigan uu shaaciyay in loo soo gudbiyay 142 dokumeenti oo soo jeedinno ah oo ka yimid daneeyayaal kala duwan.
Guddigan ayaa qorsheynaya in wada hadallada laba geesoodka ah ay socdaan muddo labo bilood ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments