Wasiirkii waddooyinka ee Narok oo geeriyooday

0
351

Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Narok ayaa sheegaya in uu geeriyooday John Marindany oo ahaa wasiirkii waddooyinka iyo howlaha guud ee dowlad deegaankaas.
Marindany ayaa dhintay xilli lagu daaweynayay isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi.
Waxaa uu horay u soo noqday wasiirkii caafimaadka iyo sidoo kale beeraha , xannaanada xoolaha iyo kallumeysiga ee Narok.
Guddoomiyaha ismaamulkaas Samuel Tunai ayaa tacsi u diray qoyska , ehellada iyo asxaabta Marindany oo uu ku tilmaamay shakhsi waajibaadkiisa shaqo si hufan u gudan jiray.
Marindany ayaa geeriyooday isaga oo 52 sano jir ah.