Senetarka ismaamulka Kakamega Boni Khalwale ayaa ku baaqay in shaqada laga eryo labo wasiir oo ka tirsan maamulka talada wadanka haya ee Kenya Kwanza.
Waxaa uu sidoo kale doonaya inuu xafiiska baneeyo la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha David Ndii.
Mas’uuliyiintan ayuu ku eedeyay inay jeediyeen farriimo iyo hadallo laga dheehan karo inay ku jeesjeesayaan kenyaanka.
Mr. Khalwale ayaa dalbaday in xafiiska ay baneeyaan wasiirka ganacsiga Moses Kuria iyo dhigiisa tamarta Davis Chirchir.
Senetarka ismaamulka Kakamega ayaa xusay in haddii madaxweynaha dalka William Ruto uusan tallaabo ka qaadin saddexda mas’uul uu dhaleecayn kala kulmi doono muwaadiniinta.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii ay kenyaanka dhaliileen qoraallo ay soo saareen wasiirka ganacsiga Moses Kuria iyo la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha David Ndii.
Moses Kuria ayaa kenyaanka ku wargeliyay inay u diyaar garoobaan in qiimaha shidaalka uu sii kordho ilaa bisha Labaad ee sanadka 2024-ka halka Ndii uu xusay in aan siyaasiyiinta lagu kalsoonaan karin.
Wasiirka tamarta ayaa dhankiisa sheegay in qiimaha shidaalka uu sii kordhi doona.