Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Shacabka oo ka cabanaya qiimaha nooliga oo ay kordhiyeen gaadiidleyda

DHAGEYSO:Shacabka oo ka cabanaya qiimaha nooliga oo ay kordhiyeen gaadiidleyda

Ka dib markii Jimcihii la soo dhaafay maamulka qaabilsan maareynta adeegyada tamarta iyo batroolka ee EPRA uu kordhiyay qiimaha lagu kala iibsado noocyada shidaalka ayaa waxaa taasi ka dhalatay in qaar ka mid ah gaadiidleyda ay kordhiyaan nooliga lagu raaco gaadiidka dadweynaha .
Rakaabka ismaamullada Kisii, Nyeri iyo Kisumu ayaa cabasho ka muujinaya in hadda laga qaadaya nooli boqolkiiba 30 ka badan qiimihii hore ee ay ku safri jireen.

Isbeddelkan ayaa shaqeyn doono ilaa 14-ka bisha Tobnaad ee sanadkan ee laga soo xigtay maamulka EPRA.
Nooca batroolka ee loo yaqaano Super Petrol ayaa qiimaha tafaariiqda ah lagu iibinaya 211.64 shilin halkii liitar.
Maamulka ayaa sheegay in shidaalka Diesel-ka ama naaftada halkii liitar lagu iibinaya 200.99 shilin halka Kerosine uu noqday 202.61 shilin.
EPRA ayaa tani u aaneysay inuu kordhay qiimaha shidaalka looga soo dejiyo dibadda dalka.
Dhanka kale qaar ka mid ah siyaasiyiinta isbeheysiga Kenya Kwanza sida wasiirka ganacsiga Moses Kuria , wakiilka haweenka ee ismaamulka Uasin Gishu iyo xildhibaanka deegaanka Kiharu, Ndindi Nyoro ayaa ka hadlay qiimaha sare ee shidaalka oo ay sheegeen inay tahay arrin caalami ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments