Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Azimio oo cambaareysay afduubka Maina Njenga

DHAGEYSO:Azimio oo cambaareysay afduubka Maina Njenga

Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa bayaan uu soo saaray ku cambaareeyay afduub la sheegay in xalay lagula kacay madaxii hore ee kooxdii wadanka laga mamnuucay ee Mungiki Mr. Maina Njenga.
Bayaanka Azimio waxaa ku cad in ilaa iyo hadda aan Njenga meel lagu ogeyn.
Tani ayaa timid ka dib markii qareenkiisa Ndegwa Njiru iyo walaalkii oo lagu magacaabo Njoroge Kamunya ay sheegeen in abaare 11:10 ee habeenimo ee ee Sabtidii laga afduubtay ismaamulka Kiambu xilli uu booqanayay saaxibkii.
Mucaaradka dalka ayaa dhanka kale dalbaday in si degdeg ah loo soo siidaayo Maina Njenga si shuruud la’aan ah ama maxkamadda la soo taago.
Azimio ayaa sheegtay in haddii Maina Njenga la dhibaateeyo ay si shakhsi ah ula xisaabtami doonaan taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japhet Koome.
Waxay intaasi ku dareen in afduubka iyo maxkamadeynta Maina Njenga ay qayb ka tahay bartilmaameedsiga xubnaha mucaaradka.
Dhanka kale John Kiragu oo ka mid ah ehellada Maina Njenga ayaa warbaahinta uga warramay sida ay wax u dhaceen.

Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu qorshuhu yahay in maxkamadda Makadara ee magaalada Nairobi ay berri soo qaado kiis la xiriira hub Maina Njenga lagu eedeyay inuu haysto.
19-kii bishii Toddobaad ee sanadkan ayay ahayd markii la qabtay Maina Njenga, hoggaamiyihii hore ee kooxda Mungiki.
Waxaa uu 25-kii bishaasi ka soo hormuuqday maxkamadda Makadara isagoo lagu siidaayay damaanad lacageed oo dhan 100,000 oo shilin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments