Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu saraakiisha dowladda uga digay inay adeegsadaan hadallo loo fasiran karo inay ku jeesjeesayaan kenyaanka wajahaya culeysyada nololeed.
Gachagua oo dib uga soo laabtay safar uu ku tagay dalka Colombia ayaa sheegay in intii uu wadanka ka maqnaa uu si dhow ula socday arrinta la hadal hayo ee kororka qiimaha shidaalka.
Waxaa uu qoraalkiisa ku sheegay inay walaac ku beertay doodda baraha bulshada ku dhex mareysay qaar ka mid ah hoggaamiyaasha iyo shacabka.
Waxaa uu shakhsiyaadka uu xilalka kala duwan u magacaabay madaxweynaha dalka William Ruto ku boorriyay inay aad uga fiirsadaan qaabka ay ula macaamilayaan shacabka.
Gachagua ayaa qoraalkiisa ku sheegay in dadweynaha ay si dadban u shaqaaleysiiyeen wasiirrada iyo xubnaha kale ee dowladda ee la soo magacaabay sidaasi awgeedna ay dareen xumo tahay inay liidaan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in madaxda laga doonaya in tabashooyinka nololeed ee dadweynaha ay uga falceliyaan si ay dabacsanaan iyo damqasho ku dheehan tahay oo rajo gelinaysa codbixiyeyaasha.
Rigathi Gachagua ayaa sheegay inuu kenyaanka ka codsanaya inay fahmaan in kororka ku yimid qiimaha shidaalka ay tahay caqabad caalami ah oo aan ku koobnayn Kenya.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa xusay in xaaladdu ay isbeddeli doonto.
Waxaa uu intaasi ku daray in dowladdu ay fahansan tahay oo ay kenyaanka la dareemaysa culeysyada ay wajahayaan.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa intaasi ku daray in farriimaha kibirka laga dheehan karo ee ay jeedinayaan qaar ka mid ah saraakiisha dowladda aynan ka turjumin mowqifka madaxweyne William Ruto iyo maamulkiisa.
Waxaa uu tilmaamay in hoggaamiyaha dalka ay ka go’an tahay in xal waara loo helo caqabadaha jiro.
Digniinta madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa ku soo beegmaysa maalmo un ka dib markii ay kenyaanka dhaliileen qoraallo ay soo saareen wasiirka ganacsiga Moses Kuria iyo la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha David Ndii.
Moses Kuria ayaa kenyaanka ku wargeliyay inay u diyaar garoobaan in qiimaha shidaalka uu sii kordho ilaa bisha Labaad ee sanadka 2024-ka halka Ndii uu xusay in aan siyaasiyiinta lagu kalsoonaan karin.
Hasa ahaate hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa madaxda ugu baaqay inaynan qoraalladooda iyo hadalladooda ku niyad jabin shacabka.