Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka 14 qof oo ku dhintay diyaarad ku burburtay Brazil

14 qof oo ku dhintay diyaarad ku burburtay Brazil

Waxaa la xaqiijiyay inay dhinteen 14 qof oo ay sidday diyaarad yar ka dib markii ay ku burburtay gobolka Waqooyi ee dalka Brazil ee Amazonas.
Waxaa dhacdadan xaqiijiyay xoghayaha amniga ee gobolkaasi
,Vinicius Almeida.
Shir jaraaid ayuu ka sheegay in diyaaradda ay ku wajahnayd magaalada caanka ku ah dalxiiska ee Barcelos iyadoo uu roob culus da’ayay.
Mas’uulkan ayaa hoosta ka xarriiqay in diyaaraddu ay ka baxday khadkii loogu tala galay inay ku soo degto ka dibna ay burburtay.
Guddoomiyaha gobolka Amazonas,Wilson Lima ayaa barta X ee horay loo oran jiray Twitter-ka ku sheegay inuu ka qoomamoonayo dhimashada 14-ka qof oo isugu jiray 12 rakaab iyo labo shaqaale.
Waxaa uu tacsi u diray qoysaska iyo asxaabta ay ka baxeen dadkan ku dhintay shilka diyaaradeed ee ka dhacay Brazil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments