Dowladda Ruushka ayaa beenisay sheegashadii ciidamada Ukraine ee ahayd inay dib ula wareegeen tuulada ku taalla bariga wadankaasi ee Andriivka oo u dhow Bakhmut.
Xukuumadda Moscow ayaa hoosta ka xarriiqday in ciidamadeeda ay weli gacanta ku hayaan tuuladaasi iyo kuwa u dhow.
Tuulada Andriivka ayaa masaafo dhan 14 kiilomitir dhanka Koonfureed uga beegan magaalada Bakhmut ee gobolka Donetsk.
Ciidamada Ukraine ayaa tan iyo bishii Lixaad ee sanadkan halkaasi iskaga caabinayay kuwa Ruushka.