Dukaamo ku burburay dab saameeyay suuq ku yaalla Bangladesh

0
222

Waxaa lagu soo warramayaa in boqolaal dukaamo ah ay ku burbureen dab ka kacay suuq ku yaalla caasimadda dalka Bangladesh ee Dhaka.
Dhacdadan ayaa la soo tabiyay waabarigii maanta ka hor inta aan dukaamada gubtay la furin.
Ciidamada militariga iyo saraakiisha dab damiska ayay ku qaadatay 6 saacadood inay dabka damiyaan maadaama uu ku faafay suuqa Mohammadpur.
Ilaa iyo hadda lama soo tabin cid ay waxyeello ka soo gaartay dabka oo loo aaneynaya cillad koronto sida uu warbaahinta u sheegay mid ka mid ah saraakiisha dab damiska oo lagu magacaabo Shahjahan Sikder.
Bishii Afaraad ee sanadkan ayay ahayd markii dab saameeyay goob laga dukaameysto oo ku taalla caasimadda Bangladesh ay ku dhaawacmeen dhowr ka mid ah saraakiisha waaxda dab damiska halka ay ku burbureen bakhaarro dhan 5,000 .