Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Maraykanka oo Masar ka xannibaya 85 milyan oo doolar

Maraykanka oo Masar ka xannibaya 85 milyan oo doolar

Dowladda Maraykanka ayaa qorsheynaysa inaynan Masar ku wareejin gargaar militari oo qiimo ahaan dhan 85 milyan oo doolar.
Tani ayaa timid ka dib markii xukuumadda Qaahira ay ka gaabisay shuruudo uu Maraykanku ku xiray oo ay ka mid ahayd inay xabsiyada ka siidayso maxaabiista siyaasadeed iyo ilaalinta arrimaha xuquuqul aadanaha.
Mid ka mid ah senatarrada Maraykanka ee ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga oo lagu magacaabo Chris Murphy, ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Waxaa uu sheegay inay suurtagal tahay in qayb ka mid ah gargaarka militari lagu wareejiyo jasiiradda Taiwan.
Waxaa uu maamulka madaxweyne Joe Biden ugu baaqay inuunan Masar u fasixin 235 milyan oo doolar oo ah taageero dheeraad oo militari maadaama sida uu hadalka u dhigay dowladda dalkaasi ay ku xadgudubtay xuquuqul insaanka.
Safaaradda Masar ee magaalada Washington ayaan weli arrinkan ka hadlin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments