Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo la kulmay siyaasiyiinta laga eryay ODM

Madaxweynaha dalka oo la kulmay siyaasiyiinta laga eryay ODM

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa galinkii dambe ee shalay kulan la qaatay siyaasiyiinta dhawaan laga saaray xisbiga mucaaradka ee ODM.
Madaxdan ayaa wacad ku maray inay la shaqeyn doonaan maamulka madaxweyne William Ruto .
Intii uu kulanka socday, hoggaamiyaasha ayaa madaxweynaha uga mahadceliyay go’aanka dowladdu ay qaadatay ee lagu xallinaya dhibaatooyin taariikhi ah oo ay wajahaysa waaxda sonkorta ee dalka.
Waxay ballan qaadeen inay taageeri doonaan hindise sharciyeedka sonkorta ee lagu wado inuu maanta baarlamaanka ka doodo.
Sidoo kale waxay madaxweyne Ruto ka codsadeen inuu socdaal dhanka horumarka ah uu ku tago gobolka Nyanza.
Xildhibaanka deegaanka Lang’ata ee ismaamulka Nairobi Phelix Odiwuor ayaa bartiisa Facebook-ga ku xaqiijiyay kulanka ay la qaateen madaxweynaha dalka.
Waxaa shirkaasi sidoo kale ka qayb galay mudanaha deegaanka Bondo ee ismaamulka Siaya Gideon Ochanda, dhigiisa Gem, Elisha Odhiambo, xildhibaanka Uriri Mark Nyamita, senatarka ismaamulka Kisumu Tom Ojienda iyo mudanaha Rongo, Paula Abuor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments