DHAGEYSO:Kindiki oo guddoomiyey kulan amni

0
230

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa saaka guddoomiyay kulan ku saabsanaa ammaanka.
Waxaa shirka ka qayb galay dhamaan isku duwayaasha dowladda dhexe ku matalo Siddeeda gobol ee dalka.
Waxay halkaasi ku soo bandhigeen baahiyaha amni ee ka jiro gobolladooda iyo siyaabaha lagula tacaali karo falalka amni darro.
Sidoo kale waxaa shirka diiradda lagu saaray isbeddelo la doonaya in lagu sameeyo bixinta adeegyada shacabka si gaar ah baasaboorka, aqoonsiga qaran iyo shahaadooyinka dhalashada.
Kulanka waxaa goobjoog u ahaa xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Raymond Omollo iyo xoghayaha maamulka qaran Beverly Opwora .
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa dhanka kale ka hadlay dhacdadii ay dad badan ku dhinteen ee keynta Shakahola isagoo sheegay in tirada la diiwaangeliyay ay ka badan tahay inta ay galaafteen falalka argagixisada.