Maxkamad ku taalla magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu ayaa nin cuno kariye ah oo ay da’diisu tahay 20 sano ku xukuntay xabsi 30 sano ah.
Tani ayaa timid ka dib markii uu qirtay inuu faraxumeeyay gabadh ardayad oo 5 sano jir ah.
Gabadha ayaa waxaa dhashay hooyo ay dugsiga ka wada shaqeynayeen ninka dhibaateeyay oo lagu magacaabo Eliakim Kemboi.
Waxaa uu ka soo hormuuqday oo xukunka maxkamadeed ku ridday garsoore Caroline Wattimah .
Waxaa uu haystaa muddo 14 cishe ah oo uu racfaan uga qaadan karo go’aanka maxkamadda.