Kenya oo garab istaag u muujisay Libya

0
240

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dowladda Kenya ay murugada la qaybsanaysa oo ay garab taagan tahay Libya.
Tani ayaa timid ka dib markii la xaqiijiyay in ugu yaraan 2,300 oo qof ay ku dhinteen wadankaasi oo ay saameeyeen duufaanta Daniel iyo daadad xooggan.
Maamullada Libya ayaa sheegaya in weli la la’yahay ilaa 10,000 oo qof.
Degmada Derna oo caasimadda dalkaasi ee Tripoli dhanka bari uga beegan ilaa 1,300 oo kiilomitir ayaa waxaa ku burburay labo ceel taasoo sababtay in biyaha ay buuxdhaafiyaan magaalooyinka sida Al-Bayada, AL-Marj, Tobruk, Takenis, Al-Bayada, Benghazi iyo Battah.
Waddamo ay ka mid yihiin Maraykanka, Turkiga , Talyaaniga, Qatar, Jarmalka , Masar iyo Iiraan aya gurmad bani’aadannimo u diray Libya.
Madaxa xafiiska warfaafinta ee bariga Libyta Maxamad Masoud ayaa dhankiisa sheegay in laga cabsi qabo in tirada dhimashada ay tahay ugu yaraan 5,300 qof.
Waxaa sidoo kale dowladda Libya garab istaag u muujiyay Xoghayaha Guud ee qaramada midoobay, Antonio Guterres.