Waxaa kulan wada yeeshay madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un iyo dhigiisa dalka Ruushka Vladimir Putin.
Tani ayaa ku soo aadaysa saacado un ka dib markii xukuumadda Pyongyang ay adeegsatay labo ka mid ah gantaallada riddada gaaban.
Vladimir Putin ayaa Kim Jong Un u sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay la kulankiisa.
Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi ayaa dhankiisa dhigiisa Ruushka uga mahadceliyay casuumaadda uu u fidiyay ee uu wadankaasi ku tagay isagoo aad u mashquulsan.
Waxaa la filayaa in labada mas’uul ay wada hadalladooda diiradda ku saaraan sida ay dalalkooda hub u kala iibsan karaan.