Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Shacabka Nyeri oo ka dibadbaxay kororka goobaha lagu iibiyo Khamriga sharci darrada...

DHAGEYSO:Shacabka Nyeri oo ka dibadbaxay kororka goobaha lagu iibiyo Khamriga sharci darrada ah

Shacabka ku nool deegaanka hoose ee Gatitu ee ismaamulka Nyeri ayaa dhigay dibadbax ay kaga cabanayaan iibinta Khamriga sharci darrada ah ee aagaasi ku soo batay.
Waxaa ay dalbadeen in la yareeyo goobaha lagu iibiyo Khamriga ee deegaankaasi.
Dadka deegaanka ayaa ku andacooday in Khamriga sharci darrada uu galaaftay nolosha dhallinyaro badan.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayay ugu baaqeen inuu arrintan wax ka qabto.

Shalay ayay ahayd markii warbixin uu soo saaray maamulka qaran ee ololaha ka dhanka ah isticmaalka maandooriyaha ee NACADA uu ku sheegay in Khamriga uu yahay maandooriyaha loogu isticmaal badan yahay Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments