Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Militariga oo shacabka ugu baaqay inay soo gudbiyaan xogaha amniga

Militariga oo shacabka ugu baaqay inay soo gudbiyaan xogaha amniga

Ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta ayaa bayaan ay soo saareen waxay dadweynaha ku nool meelaha ay inta badan ka dhacaan weerarrada argagixisanimo ugu baaqeen inay saraakiisha la soo wadaagaan macluumaadka ay hayaan ee lagu xaqiijin karo amniga.
Tani ayaa timid ka dib markii qaar ka mid ah militariga wadanka ay waxyeello ka soo gaartay dhacdo ay baabuurkooda miinada dhulka lagu aaso kula qaraxday keynta Boni ee ismaamulka Lamu.
Falkaasi ayaa laga soo tabiyay aagga waddada Milimani Baure road ee Lamu.
Saraakiisha ayaa xilligaasi roondo sameynayay.
Bayaanka KDF waxaa ku cad in ciidamada dhaawacmay loo soo qaaday isbitaalka saldhiiga Manda.
Militariga oo weerarkaasi cambaareeyay ayaa dadweynaha ugu baaqay inay saraakiisha ammaanka garab ku siiyaan sidii meesha looga saari lahaa shakhsiyaadka gaysta falal dambiyeedyada.
Hasa ahaate waaxda difaaca dalka ayaan shaacin khasaaraha rasmiga ee qaraxaasi lala eegtay ka dhashay.

https://x.com/kdfinfo/status/1701142768096067938?s=20

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments