Dambi baarayaasha saldhigga booliiska ee xaafadda Buruburu ee ismaamulka Nairobi ayaa soo badbaadiyay arday dhigta fasalka 3-aad ee dugsiga hoose dhexe oo la afduubtay.
Kooxda ilmaha yar afduubatay ayaa dalbatay lacag madax furasho ah oo dhan 10 milyan oo shilin.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in aabaha dhalay ilmo 9 sano jir uu tegay dugsiga hoose dhexe ee Donholm si uu canugiisa uga soo kaxeeyo balse waxaa lagu wargeliyay inuu maqan yahay oo uuna raacay macallinkiisa fasalka.
Aabaha dhalay canuga la afduubtay ayaa booliiska ku wargeliyay dhacdadan ka dib markii ay soo waceen koox afduubtay oo ay ka dalbadeen lacag.
Howlgal ay iska kaashadeen taliska booliiska ee Nairobi iyo dambi baarayaasha saldhigga Buruburu ayaa markii dambe lagu soo badbaadiyay ilmaha yar oo lagu hayay xaafadda Kayole ee magaalada Nairobi, iyadoo loola cararay isbitaalka si baaritaan caafimaad loogu sameeyo.
Waxaa dhanka kale gacanta lagu soo dhigay Fredrick Odhiambo, oo ahaa shakhsiga lacagta madaxfurashada dalbaday.
Booliiska ayaa sidoo kale howlgalka ku soo helay, mooto, taleefoonnada gacanta iyo agab kale oo la rumeysan yahay in fal dambiyeed lagu gaystay.
MINOR RESCUED AFTER HOURS OF AGONY IN THE HANDS OF HEARTLESS ABDUCTORS
DCI Detectives are in hot pursuit of suspected abductors who in a case of teachers turned rogue abducted a 9-year -old grade three pupil from a school in Donholm, Nairobi County.
The pupil's father had gone… pic.twitter.com/2Bs0urfyLa
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) September 10, 2023