Madaxweyne ku xigeenka dalka oo u ambabaxay Colombia

0
285

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua oo xalay wadanka ka ambabaxay ayaa u safray dalka Colombia.
Waxaa uu magaalada Bogota ee dalka Colombia uga qayb geli doona shirkweynaha caalamiga ah ee soo saaridda qaxwada.
Rigathi Gachagua ayaa xusay in booqashadiisa dalka Colombia ay kor u qaadi doonta dadaalka lagu doonayo in waaxyaha qaxwada laga dhigo mid faa’iido u leh beeralayda.
Waxaa uu xusay in dalka Colombia uu soo saaro qaxwada una dhoofiya sida waddamda Maraykanka, Jarmalka iyo Belgium.
Mr. Gachagua ayaa intaasi ku daray in wadankaasi uu sidoo kale soo saaraa 12 boqolkiiba qaxwada adduunka, taas oo uu tilmaamay in Kenya ay wax badan ka baran doonta dalkaasi.
Colombia, waa wadanka saddexaad ee caalamka ee dhanka soo saarista qaxwada.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa sidoo kale sheegay in Kenya heshiisyo dhowr ah la saxiixan doonta dhigeeda Colombia.
Dhanka kale, ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa magaalada Havana ee wadanka Cuba uga qayb geli doono shirka madasha waddamada soo koroya ee G77.
Gachagua ayaa xusay in shirka G77 uu ku matali doono madaxweynaha dalka William Ruto.