DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in hadda ka dib la qaadan doonin amaah xad dhaaf ah

0
235

Madaxweynaha dalka William Ruto oo ka hadlay deymaha shisheeye ayaa xusay in dowladdu ay si tartiib ah u bixinaysa oo aan hadda ka dib la qaadan doonin amaah xad dhaaf ah.
Madaxweynaha ayaa sheegay in hadda tobankii shilin ee ay dowladdu dakhli ahaan u hesho in 6 shilin oo ka mid ah lagu bixiyo deyn.

Madaxweynaha dalka waxaa uu dhanka kale cadeeyay in aan marnaba loo dul qaadan karin lunsashada kheyraadka dalka.

Madaxweynaha waxaa wehelinayay ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua, wasiirka beeraha Hon. Mithika Linturi, barasaabka Meru ,Kawira Mwangaza, xildhibaanno iyo wakiillada golaha hoose ee Meru.