Guddiga daawooyinka dalka oo beeniyay inuu dhintay qof qaatay tallaalka COVID-19

0
564

Guddiga dowladda dhexe u qaabilsan qiimeynta tayada daawooyinka iyo ka hor tagga isticmaalka waxyaabaha sunta ah ee PPB ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war la baahiyay oo ku aaddan in uu dhintay qof la siiyay tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID-19 gaar ahaan nooca loo yaqaano Oxford-AstraZeneca .
Bayaan uu guddigan soo saaray ayaa lagu sheegay in warkaasi uunan xaqiiqda ku saleysnayn.
Guddigan ayaa shaaciyay in la soo tabiyay 279 xaaladood oo ah saameyn ka dhalatay tallaalka oo 272 ka mid ah aynan khatar ahayn sidaas awgeedna muddo kooban gudaheed lagula tacaalay.
Sidoo kale maamulkan ayaa caddeeyay in baaritaano lagu hayo isbeddel kasta oo yimid ka dib qaadashada tallaalka sidaas awgeedna aynan jirin hal xaalad oo dhimasho sababtay.
Qoraalka PPB waxaa qayb ka ah in dhammaan toddobo xaaladood oo ahaa kuwo daran la xalliyay.