Wasiirka arrimaha gudaha oo la kulmay saraakiisha waaxda socdaalka

0
362

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa maanta shir guddoomiyay kulan ka qabsoomay daarta Nyayo House ee magaalada Nairobi.
Waxaa kulankaasi ka qayb galay saraakiisha waaxda socdaalka iyo jinsiyadda ee dalka.
Shirka ayaa ku saabsanaa in dib u eegis lagu sameeyo dhaqangelinta tallaabooyin horay loo soo saaray oo lagu yareynaya ciriiriga dhanka bixinta baasaboorka ee jira.
Waxaa sidoo kale shirka ka qayb galay xoghayaha joogtada ah ee waaxda socdaalka Prof. Julius Bitok iyo agaasimaha guud ee adeegyada jinsiyadeed Evelyn Cheluget .
Wasiir Kindiki ayaa ka dib markii uu shirka soo idlaaday warfidiyeennada u sheegay in la dardargelinaya soo saaridda baasaboorrada .
Waxaa uu intaasi ku daray in culeys hadda jira looga gudbi doono toban cishe gudahooda.
Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in xaaladdu ay hadda ka wanaagsan tahay toddobaadkii hore maadaama safafka loogu jiro helidda baasaboorrada aynan sidii hore u dheereyn halka dhaqdhaqaaqana uu yahay mid degdeg ah.
Wasiirka ayaa sheegay in qalab horay loo dalbaday oo ay isticmaali doonto waaxda socdaalka iyo jinsiyadda aan weli dalka la keenin.
Waxaa uu ku celceliyay inuu jiro qorsho isbeddelo ballaaran loogu sameynaya waaxdan balse ay dowladdu hadda diiradda saareysa sidii dadka codsaday baasaboorrada ay si degdeg ah ugu heli lahaayeen.