Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Barasaabka Kisii oo loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka ODM

Barasaabka Kisii oo loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka ODM

Xisbiga ODM ayaa isbeddel ku sameeyay xubnaha guddiga qaran ee fulinta ee NEC.
ODM ayaa bayaan ay maanta soo saartay ku sheegtay in barasaabka ismaamulka Kisii Simba Arati loo magacaabay xilka guddoomiye ku xigeenka xisbiga.
Waxaa uu beddelay wakiilkii hore ee haweenka ee ismaamulkaasi Janet Ong’era.
Wakiilka haweenka ee Busia ,Catherine Omanyo ayaa loo magacaabay ku xigeenka xoghayaha guud ee ODM waxayna kala wareegtay jagadan Florence Mutua.
Mudanaha deegaanka Saboti , Caleb Amisi ayaa laga dhigay ku xigeenka xoghayaha abaabulka wuxuuna beddelay wakiilkii hore ee dumarka ee ismaamulka Kwale Zulekha Xasan.
Wakiilka haweenka ee Kwale ,Fatuma Masito ayaa loo magacaabay ku xigeenka qasnad –hayaha guud ee ODM xilkan oo ay horay u haysay Ogla Karani.
Senatarka ismaamulka Migori ,Eddie Oketch ayaa noqonaya xoghayaha guddiga NEC ee arrimaha baniaadannimada iyo maareynta musiibooyinka wuxuuna beddelay Bob Njagi.
Wakiilka haweenka ee ismaamulka Kakamega, Elsie Muhanda ayaa loo magacaabay xoghayaha NEC ee dhanka amniga waxayna beddeshay mudanihii hore ee deegaanka Shinyalu Justus Kizito.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments