DHAGEYSO:Faahfaahino ka soo baxaya baska Legend oo xalay shil galay

0
308

Waxay faahfaahino dheeraad ah ka soo baxayaan shil uu xalay aagga loo yaqaano Kilimabogo ee waddada wayn ee u dhexeysa Thika iyo Garissa uu ku galay bas ay leedahay shirkadda Legend oo ka ambabaxay magaalada Nairobi oo ku wajahnaa Wajeer.
Cabdiraxmaan Mucaawiye ayaa arrinkan ka wareystay maamulka shirkadda basaska ee Legend qaybta ismaamulka Wajeer Macallin Xuseen Cabdullaahi.

Dhanka kale waxaa waxyeellada shilka ka dhalatay ka tacsiyadeeyay  sidoo kalena  wadayaasha basaska  ugu baaqay inay taxaddar muujiyaan Dubat Cali Camey oo ka mid ah waxgaradka gobolka Waqooyi Bari.