Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay Ukraine siinaysa taageero dheeraad oo militari taasoo dhan 600 oo milyan oo doolar.
Tani ayaa ku soo beegmaysa hal cishe un ka dib markii Maraykanka uu Ukraine u ballan qaaday caawimaad ah hal bilyan oo doolar iyo gargaar baniaadannimo oo loo fidinaya xukuumadda Kyiv sida uu shaaciyay xoghayaha waaxda arrimaha dibadda Antony Blinken.
Taageeradan cusub waxaa qayb ka mid ah in Ukraine lagu wareejiyo agabka lagu sifeeyo miinooyinka .