Ciidamada booliiska ee dalka Rwanda ayaa magaalada Kigali ku xiray nin loo haysto inuu dilal gaystay.
Tani ayaa timid ka dib markii god laga qoday qaybta cunto karinta ama dab shidka ee gurigiisa lagu arkay in ka badan 10 meydad ah.
Booliiska ayaa sheegay in eedeysanaha ay da’diisu tahay 34 sano oo uu deggan yahay xaafadda Kicukiro ee caasimadda Rwanda ee Kigali.
Ilo wareed ka tirsan laanta dambi baarista ee Rwanda ee (RIB) ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in tirada meydadka ay tahay 14 qof.
Hasa ahaate afhayeenka waaxda RIB Thierry Murangira ayaa ka gaabsaday inuu arrinkan faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo.