Dubat Cali Camey oo ka mid ah waxgaradka gobolka Waqooyi Bari ayaa ka hadlay shirkii ay madaxda iyo khuburrada qaaradda Afrika uga arrinsanayeen la tacaalidda saameynta isbeddelka cimillada kaasi oo intii u dhexeysay 4-tii ilaa 6-dii bishan ka socday magaalada Nairobi.
Waxaa uu madaxweynaha dalka William Ruto ku amaanay inuu dhibaatada cimillada uga hadlay si cajiib ah.