Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya EACC oo barasaabyada uga digtay shaqaaleysiinta sharci darrada ah

EACC oo barasaabyada uga digtay shaqaaleysiinta sharci darrada ah

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa barasaabyada ismaamullada dalka uga digay inay xafiisyadooda ka howlgeliyaan shaqaale ka badan inta loo oggol yahay.
Madaxa fulinta ee EACC , Twalib Mbarak ayaa qoraal ku sheegay in wareegtooyin ay horay u soo saareen maamulka kala guurka iyo guddiga mushaaraadka iyo gunnooyinka ee SRC lagu xaddiday tirada shaqaalaha ee xafiisyada guddoomiyaasha dowlad deegaannada.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in hoggaamiyaasha ismaamullada ay ka tallaabsanayaan xeerarka shaqaaleysiinta iyagoo abuuraya jagooyin iyo xafiisyo aan lagala tashan guddiyada adeegga dadweynaha sida ku qeexan qaybta 59-aad ee xeerarka dowladaha ismaamullada oo la soo saaray sanadkii 2012.
EACC ayaa qoraalkeeda ku sheegtay inay la talinaysa , ay u digaysa sidoo kalena barasaabyada khaladaadkan sameeyay ay ka dalbanaysa inay saxaan oo ay u hoggaansamaan xeerarka dastuuriga ah.
Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa xusay in guddoomiyihii aan sidatan sameyn si shakhsi ah loogula xisaabtamaya hanti iyo kheyraad kale oo uu lunsado qofka aan si sharci ah lagu howlgelin.
Guddoomiyaasha ismaamullada ayaa shakhsiyaadka loo oggolyahay inay howlgeliyaan waxaa ka mid ah madaxa shaqaalaha , la taliyeyaasha arrimaha dhaqaalaha , siyaasadda iyo sharciga.
Sidoo kale waxay shaqaaleysiin karaan agaasimaha adeegyada warfaafinta , gacan yare, xoghaye gaar ah, darawal iyo kuwo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments