Mudanaha deegaan baarlamaneedka Waqooyiga Wajeer Ibraahim Cabdi Saneey ayaa baaq nabadeed ka soo saaray dhacdooyin dilal ah oo laga soo tabiyay Galbeedka ismaamulkaasi.
Waxaa uu waxgaradka beelaha dega Wajeer ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii lagu soo afjari lahaa falalkan isagoo laamaha ammaanka ku dhaliilay inay gabeen waajibaadkii ka saarnaa xakameynta xaaladda halkaasi ka soo cusboonaatay.