Tirada dadka ka hooseeya 50 ee uu saameeya kansarka oo korortay

0
222

Darasaad lagu daabacay majallada BMJ Oncology ee wax ka qorta arrimaha caafimaadka ayaa muujinaysa in ay korortay tirada dadka ay da’doodu u dhexeysa 14 ilaa 49 sano ee uu saameeya cudurka kansarka ee caalamka.
Kororka ayaa lagu sheegay ku dhawaad boqolkiiba 82 maadaama intii u dhexeysay 1990-kii ilaa 2019-kii ay isku beddeshay 1.82 milyan ilaa 3.26 milyan oo qof.
Hasa ahaate weli ma cadda sababta rasmi ee arrinkan loo aaneyn karo.