Dowladda oo sheegtay in aan aqoonsi looga baahnayn ardayda 18 sano ka hooseeya

0
286

Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa meesha ka saartay in ardayda ay da’doodu ka hooseyso 18 sano ee u baahan deeqaha lacageed ama codsanaya amaahda guddiga HELB lagu xiro inay soo bandhigaan aqoonsiga qaran ee dalka.
Sidoo kale waxay wasaaradda muddo bil ah ku kordhisay muddada kama dambeyska ee ay ardayda jaamacadaha ku dalban karaan amaahda lacageed ee guddiga HELB.
Codsiyadan ayaa la qaban doonaa ugu dambeyn 7-da bisha 10-aad ee sanadkan.
Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Mr. Ezekiel Machogu ayaa maanta bayaan ku sheegay in muddada la kordhiyay ay fursad siinaysa 112,468 arday ah oo aan weli codsiyada gudbin.
Waxaa uu intaasi ku daray in wixii ka horreeyay 5-tii bishan , arday gaaraya 5, 156,532 inay codsadeen deeqda sanduuqa jaamacadaha iyo amaahda guddiga tacliinta sare ee HELB.
Wasiirka ayaa guddigan ku amray inuu dib u eegis ku sameeyo codsiyada 2,000 oo ah arday amaah dalbaday iyagoo ay da’doodu ka hooseyso 18 sano.
Tiradan ayaa u dhiganta boqolkiiba 60 ardayda ku biiraya machadyada iyo jaamacadaha wadanka.