Haweeney horay uga howlgeli jirtay isbitaalka Mama Lucy Kibaki ee magaalada Nairobi ayay maxkamaddu ku heshay dembi ah inay ka qayb qaadatay xatooyada carruurta.
Fred Makallah ayaa waxaa maanta dembigan ku caddeysay garsoore Esther Kimilu.
Tani ayaa timid ka dib markii Makallah ay ka soo dhex muuqatay muuqaal iyadoo ku gorgortamaysa qiimaha lacageed ee laga siinaya saddex carruur ah.
Dembigan ayaa la gaystay sanadkii 2020-kii.
Hasa ahaate garsooraha ayaa fasaxday eedeysane kale oo lagu magacaabo Selina Awuor ka dib markii wax caddeyn ah lagu waayay.
Waaxda dacwad oogidda ayaa maxkamadda hor keenay 18 marqaatiyaal ah waxayna maxkamaddu go’aan soo saari doontaa 26-ka bishan.