Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Hay’adda USAID oo Kenya ku taageeraysa 154 milyan

Hay’adda USAID oo Kenya ku taageeraysa 154 milyan

Waxaa lagu wadaa in dowladda Kenya ay hay’adda caalamiga ee horumarka ee Maraykanka (USAID) ay ka hesho lacag dhan 154 milyan oo shilin.
Dhaqaalahan ayaa loo adeegsan doonaa in lagu maalgeliyo barnaamijyada lagula tacaalo saameynta isbeddelka cimillada ee guud ahaan wadanka.
Sidoo kale hay’adda USAID ayaa qorsheynaysa inay 150 milyan oo shilin ay ku bixiso gaadiidka ku shaqeeya korontada si aan deegaanka loo wasaqayn.
Dhanka kale ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Maraykanka Joe Biden u qaabilsan arrimaha cimillada John Kerry ayaa maanta shaaciyay in dowladda Maraykanka ay qorsheynaysa inay lacag dhan 30 milyan oo doolar ku bixiso barnaamijyada cunnada ee Afrika oo qayb ka ah la qabsashada saameynta isbeddelka ku yimaada cimillada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments