Ciidamada dowladda Ruushka ayaa duqeyn ay u adeegsadeen diyaarad aan duuliye lahayn oo lagu bartilmaameedsaday magaalada Odesa ee dalka Ukraine ku dilay hal ruux.
Weerarka ayaa ka dhacay degmo xeebeed ku taalla Koonfurta Galbeed ee Odesa.
Weerarka xalay lala eegtay degmada Izmail ayaa socday muddo saddex saacadood ah sida uu shaaciyay guddoomiye goboleed lagu magacaabo Oleg Kiper .
Guddoomiyaha ayaa sheegay in qofka la dilay uu ka mid ahaa shaqaalaha beeraha oo uu u geeriyooday dhaawac soo gaaray.
Xukuumadda Kyiv ayaa dhankeeda sheegaysa inay iska caabisay gantaalo lagu soo weeraray.
Ciidamada difaaca hawada sare ee Ukraine ayaa laga soo xigtay inay soo rideen gantaallo ku soo wajahnaa magaala madaxda wadankaasi ee Kyiv.