5 qof oo ku dhintay Isku dhacyo dhexmaray ciidamada Myanmar iyo dad shacab ah oo dibadbax dhigayay

0
594

Wararka ka imaanaya dalka Myanmar ayaa sheegaya in iska hor imaad dhexmaray ciidamada dalkaasi iyo dadka rayidka ah ee diiddan afgambigii militari ee dhacay 1-dii bishii labaad ee sanadkan ay ku dhinteen 5 qof maanta.
Waxaa sidoo kale dhaawacmay tiro kale oo dhowr ah ka dib markii ciidamada ay rasaas ku fureen banaabbaxayaasha.
Sida laga soo xigtay kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha, dad gaaraya ilaa 580 qof ayaa ilaa iyo hadda ku dhintay dibadbaxyada .
Ciidamada Myanmar ayaa cadaadis xoogan kala kulamaya beesha caalamka iyo mudaharadayaasha dalkaasi oo u badan dhallinyaro ee weli muujinaya sida ay u dalbanayaan in hoggaanka dib loogu celiyo maamulkii rayidka ee lagala wareegay.