Labo qof oo lagu qabtay dareeska booliiska iyo katiinado ee ismaamulka Machakos

0
406

Laamaha ammaanka ayaa xiray labo qof oo looga shaki qabo inay gaysteen fal burcadnimo.
Shakhsiyaadkan ayaa xalay fiidkii lagu qabtay xarunta ganacsiga ee Milani ee magaalada Masinga ee ismaamulka Machakos.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in labada qof ay wateen dareeska ciidamada ilaalada xabsiyada, katiinadaha lagu xiro shakhsiyaadka dambiyada gala, bud iyo kaararka taleefoonanda gacanta iyo kaarar badan oo bangi.
Eedeysanayaasha ayaa looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen falal burcadnimo ah oo ka dhacay aagga laga soo qabtay.
Sidoo kale eedeysanayaasha ayaa loo shaki qabaa inay qayb ka ahaayeen tuhmanayaal ku labisnaa dareeska booliiska oo labo toddobaad ka hor qiyaastii 200,000 shilin ka dhaceen kaniisad ku taalla magaalada Masinga ee ismaamulka Machakos.
Eedeysanayaasha ayaa hadda lagu hayaa saldhigga booliiska Ndithini ee deegaan baarlamaaneedka Masinga, iyadoo haataan baaritaano dheeraad ah ay socdaan.