Madaxweynaha dalka oo u digay garsoorayaasha musuqmaasuqa sameeya

0
353

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa digniin u diray qaar ka mid ah saraakiisha garsoorka oo uu sheegay inay qayb ka yihiin musuqmaasuqa baahsan ee wadanka ka jiro.
Waxaa uu ku eedeeyay garsoorayaasha uusan magacyadooda shaacin inay maxkamadaha ka dhigeen meel ay gabaad ka dhigtaan shakhsiyaadka musuqmaasuqa sameeya.
“Waxaa jira garsoorayaal qayb ka ah falalka la xiriira musuqmaasuqa, waana sababta kaliya ee garsoorayaal gaar ah ay u qabtaan kiisaska musuqmaasuqa,” ayuu yiri madaxweyne Ruto.
Waxaa uu ku eedeeyay inay gacan saar la leeyihiin shakhsiyaadka gala dambiyada dhaqaalaha halkii ay si degdeg ah ula socon lahaayeen kiisaskooda.
Dhowr kiis oo la xiriira musuqmaasuq  ayay waaxda dacwad soo oogidda dalka ay meesha ka saartay, kuwaas oo ay ku tilmaantay in aan loo haynin caddeymo ku filan oo dacwad loogu cuskan karo.