Waddooyin la xiro doono inta uu socda shirka cimilada Afrika ee Nairobi

0
332

Waxaa uu qorshuhu yahay in la xiro afar waddo oo muhiim ah oo ku yaalla caasimadda dalka ee Nairobi.
Waddooyinkan ayaa la xiri doono inta u dhexeyso maalmaha Isninita ilaa Arbacada ee toddobaadka dambe.
Arrintan  ayaa imaaneysa iyadoo magaalada Nairobi uu ka qabsoomi doona shirka cimilada ee Afrika.
Shirkan ayaa socon inta u dhexeysa 4-ta ilaa 6-da bisha Sagaalaad ee sanadkan.
Waddooyinka la xiri doono ayaa ku yaalla bartamaha caasimadda wadanka ee CBD.
17 madaxweyne, oo uu ku jiro xoghayaha guud ee qaramada midoobay António Guterres ayaa ka mid ah madaxda sare ee la xaqiijiyay inay ka qayb galayaan shirkan.