Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya 4 qof oo u dhashay Tanzania oo lagu qabtay mid ka mid...

4 qof oo u dhashay Tanzania oo lagu qabtay mid ka mid ah daroogooyinka ugu halista badan

Ciidamada booliiska ee magaalada Kitengela ee ismaamulka Kajiado ayaa xiray afar qof oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Tanzania kuwaas lagu helay daroogada nooca loo yaqaano Cocaine-ta.
Saraakiisha waaxda dambi barista dalka ee DCI-da ee qaybteeda la dagaalanka maandooriyaha, ayaa 3-dii aroornimo ee maanta howlgal ka sameeyay guri ku yaalla dhismaha Beckvike ee deegaanka Kitengela.
Waxaa ay saraakiisha soo heleen 143 xabo oo ah daroogada Cocaine-ta ah oo lagu shubay baakad maran oo cabitaan laga cabay.
Saraaakiisha ayaa sidoo kale soo helay qalab dhijitaal ah oo isugu jiro taleefoonada gacanta iyo lacag caddaan ah oo kala ah mid shisheeye iyo Kenya .
Waaxda DCI-da ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in baaritaan la sameeyay uu horseeday in dib loo soo celiyo mishiinnada miisaanka dhijitaalka ah iyo lacag dhan 245 doolar oo u dhiganta 26,100 oo shilinka dalka ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in haweeney Kenyaan ah oo magaceeda lagu sheegay Nancy Munyota sidoo kale la xiray intii uu socday howlgalka.
Afarta eedeysane ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cali Abuubakar, Maxamad Qaasim, Sacad Saalim iyo Rosse Paul Tito.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments