Siyaasiyiinta xulafada la ah ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay inay diyaar u yihiin la tartamida isbeheysi kasta oo doonaya xilka madaxtinimo ee sannadka 2022-ka.
Hoggaamiyaashan ayaa xusay in madaxweyne ku xigeenka dalka uu dhisay koox xoog leh oo ka kooban siyaasiyiin da’a yar ah iyo shacabka Kenyaanka ah.
Waxaa la sheegay in Mr. Ruto uu doonayo kasbashada taageerada hoggaamiyaasha da’a yarta ah kuwaas oo u fududeyn kara loolanka sanadka 2022-ka.
Dhawaan ayay ahayd markii hoggaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi, dhiggiisa Wiper Kalonzo Musyoka, Gideon Moi oo hoggaamiya xisbiga Kanu iyo Moses Wetangula oo isagu ah madaxa xisbiga Ford-Kenya ay ku dhawaaqeen isbahaysi siyaasadeed oo loogu magac daray One Kenya Alliance, waxayna wajihi doonaan Mr. Ruto.
Home Wararka Kenya Taageerayaasha William Ruto oo sheegay inay diyaar u yihiin la tartamida isbahaysi...