Laamaha ammaanka oo qabtay xashiish qiimihiisu yahay 18 milyan oo shilin oo lagu waday baaburka meydka

0
380

Laamaha ammaanka ayaa gacanta ku dhigay nooca daroogada ee loo yaqaano xashiishka.
Ciidamada ammaanka ayaa qiimaha maandooriyaha ay gacanta ku dhigeen ku sheegay 18 milyan oo shilin.
Sidoo kale daroogada ay ciidamadu qabteen ayaa lagu sheegay 600 kiilo oo xashiish ah.
Daroogadan oo lagu soo qariyay 12 jawaan ayay booliisku qabteen iyada oo lagu waday gaari nooca lagu masaafuriyo meydka oo ku sii jeeday ismaamulka Kisumu.
Darawalkii gaariga waday oo lagu magacaabo Xuseen Otita ayaa la xiray, iyadoo baaburka loo kaxeeyay saldhig booliis oo goobta ka ag dhawaa.