Macallimiinta dalka oo mushaar kordhin loo sameeyay

0
273

Ururrada macallimiinta ee KNUT, KUPPET iyo KUSNET oo ay ku mideysan yihiin barayaasha wax ka dhigo dugsiyada ardayda qabo baahiyaha gaarka ah ayaa heshiis la saxiixday guddiga adeegga macallimiinta dalka ee TSC.
Macallimiinta wax ka dhiga dugsiyada hoose dhexe ee dalka iyo kuwa sare ayaa heli doona mushaar kordhin gaareyso boqolkiiba 9.5.
Sidoo kale in ka badan 14,000 oo barayaal ah ayaa la dalacsiin doona.
Arrintan ayaa qayb ka ah qandaraasyo ay kala saxiixdeen guddiga adeegga macallimiinta dalka ee TSC iyo ururrada barayaasha ee wadanka.
TSC ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in dhammaan macallimiinta ay heli doonaan mushaarkooda ka hor dhammaadka bil walbo.