Waxaa guud ahaan maanta dalka ka billowday qorista ciidamo cusub ee qayb ka noqonayo ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta.
Waxaa barnaamijkan oo billowday 9-kii subaxnimo ee maanta ayaa socon doono muddo ku dhow laba toddobaad.
Barnaamijkan maanta billowday ayaa socon doona ilaa 8-da bisha Sagaalaad ee sanadkan, si loo howlgeliyo saraakiil cusub.
Waxaa qorista ciidamada difaaca ee dalka si rasmi ah maanta laga daahfuray xarunta waaxda KDF-ta ee xaafadda Hurlingham ee magaalada Nairobi, iyadoo sidoo kale qaybaha kale ee wadanka uu ka socdo .
Barnaamikan maanta waxaa daahfuray taliye ku xigeenka ciidanka difaaca ee dalka jeneraal Jonah Mwangi oo sidoo kale ka digay wax isdabamarin iyo khiyaano.
Kenyaanka danaynaya inay ka qayb qaataan qorista ciidamada cusub ayaa looga baahan yahay inuu haysto kaarka aqoonsiga qaran ee ID-card oo sax ah iyo in uusan lahayn laba dhalasho.
Waxaa sidoo kale muwaadinka doonaya inuu ku biiro ciidamada difaaca laga doonaya inuusan wax dembi ah horraan u gelin.
Shuruudaha waxaa dhanka kale ku jiro in da’adiisa ay u dhexeyso 18 ilaa 26 sano.
Dhanka kale, in ka badan 200 oo dhallinyaro ah oo doonaya inay ku biiraan ciidamada difaaca dalka kuwaas oo kala yimid deegaannada hoose ee ismaamulka Lamu ayaa maanta u soo baxay ka qayb qaadashada barnaamijkan.
Waxaa howlgelinta qorista ciidamda KDF-ta uu ka socda garoonka Kibaki ee Jaziirada Amu ee dowlad deegaanka Lamu
Qaar ka mid ah wakiillada laga soo doortay deegaannada hoose ee ismaamulka Lamu ayaa barnaamijkan dhallinyarada badan isugu soo baxeen bogaadiyay.